4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2018
AMISOM oo soo rogtay amar ah in aan gudaha loo gali karin xarunta Xalane

 

Axad, April,15,2018(HOL)-Ilo xog-ogaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in howlgalka midowga Africa AMISOM uu soo rogay amar ah in aan gudaha loo galin karin xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ciidamada midowga Africa.

Xarunta Xalane ayaa sidoo kale saldhig u ah safaaradaha shisheeye iyo hay’addaha Qaramada Midoobey intooda badan waxaana ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Lama oga sababta ka danbeysa amarkan laga soo saaray dhaqdhaqaaqa xarunta Xalane laakiin waxaa loo maleynayaa in uu salka ku hayo arrimo la xiriira dhinaca Amniga.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]