4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2018
Madaxweyne Biixi oo ka qaybgallay Maalinta dhir Beerista Somaliland


Axad, April, 15, 2018 (HOL) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qaybgallay xus ballaadhan oo loo sameeyey maalinta dhiraynta Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Bisha Afraad(April)-2018.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bisha April 15-keeda u aqoonsaday inay noqoto maalinta dhir beerista Somaliland, waxaana sanadkan hal ku dheg loogu dhigay geed jannadda ka beer, waxaana munaasibad balaadhan lagu qabtay wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, waxaana ka soo qaybgallay madaxweynaha, madaxda wasaaradda, wasiiro kale iyo marti sharaf faro badan.

Ugu horrayn agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) oo munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey xarunta wasaaradda, waxana uu uga mahadnaqay sida uu xilka isaga saaray dhiirrigelinta dhiraynta iyo ilaalinta deegaanka oo fure u ah horumarka iyo nolosha bulshada reer Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa iyaduna ku dheeraatay dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan sidii loo daryeeli lahaa guud ahaanba deegaanka iyo duur-joogta dalka, isla markaana loola dagaallami lahaa dabargoynta lagu hayo dhirta oo dhuxul laga shito.

Wasiirku waxa ay shaaca ka qaadday inay kor u kacday isticmaalka bulshada reer Somaliland ee dhinaca tamarta oo mustaqbalka qorshaysan in lagaga baxo baahida bulshada ee dhinaca dhuxusha oo dhirta laga shido, isla markaana ay wasaarad ahaan meesha ka saareen badiba dhibaatada dhul-boobka ah iyo dabar-goynta lagu hayo dhirta oo halbowle u ah nolosha dadka iyo duunyada.

Intaas ka dib Madaxweyne Biixi Cabdi ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay dhirta, waxaanu sheegay in dhirtu sabab u tahay inuu roobku yimaado iyo in nabaad guurtu keenaan dhirta la xaalufiyey.

“Maanta waxa ay ila tahay qof wal oo reer Somaliland ah oo aan reer guuraa ahayn geed buu beeri karaa, haddii uu qof wal oo muddakar ahiba uu geed beero waxa hubaal ah in dhulkeenu noqonayo dhul doog ah oo laga yaabo in abaaruhu ka yaraadaan, waayo culimada deegaanku waxa ay xaqiijiyeen in meeshii dhiri joogto uu roob joogo, sidaas darteed waxaan ku talin lahaa qof wal oo qaan-gaadh ah ama qof wal oo meel deggeniba in marka uu guriga dhisto uu ku daro geed, gaar ahaan magaalooyinka,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxaanu intaas ku daray “Dadka magaalada gaar ahaan buu xil u saaran yahay inay dhir beeraan oo waliba shaaricyada waaweyn meherad kasta horteeda uu geed weyn oo caleen lihi ku yaallo, si aynu uga baxsanno aafada Technology-ga, intaas waxa dheer marka uu imika roobku qaado magaalooyinka cidhiidhiga ah baabuurta maraysaa waxa ay kicisaa siigada intaad aragteen le’eg oo suuqu waa wada siigo, haddii aynaan dhir beerinna sambabada dadka magaalooyinka ku nool waxa ka buuxsamaysa siigo, laakiin dhirtu waa wax Ilaahay abuuray oo nadiifisa hawada, sidaad darteed maanta waxa aynu xoogga saaraynaa inay noqoto maalin qof wal oo muddakar ahiba uu geed beero, dhammaanba muwaadiniinta reer Somaliland meel wal oo ay joogaanba waxaan ka codsanayaa inay ku dedaalaan dhir-beerista.”

Madaxweynuhu wuxuu farriin gaar ah u diray cid kasta oo ku foogan goynta dhirta iyo oodista goobaha xoolo-daaqeenka ah, waxaana uu kula dardaarmay in dhulka aanay waxba ka beeraynin ee ay oodanayaan ka waantoobaan, “Dadka reer miyiga ah ee dhulka oodaya ee geedka galoolka ah jaraya ee ku oodaya meel aanay waxba ka beerayn oo laga yaabo inuu qabo rajo ah balloodho ayey noqon doontaa, waxaan ku waanin lahaa dhirta inaanay iska jarin, dhulkana Ilaahay waxa uu yidhi manaafacaadsada ee xanniba muu odhanin, dhulkana in la xanniba ma aha, markaa ama dhulka umaddii lahayd ha wada daaqda, ama wax kasoo saara, labadaas wixii u dhexeeyaa waa qalad. Dadkaas reer miyiga ahna waxaan kula talin lahaa waar aakhirona waa dambi, Ifkiina xoolihii iyo dadkii waa caddibteene markaad ka ooddo ee aad waxba ka beeri weydo aakhiro waa dambi, ifkiina dadkii baad isku qabsanaysaane taas hallaga daayo.”

Gobolada iyo magaalooyinka waaweyn ayaa maanta laga bilaabay dhir beerista, iyadoo dhamaan wasaaraahaha xarumahoodda laga beeray dhir.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland