4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2018
Roobab ka curtay degaano shan sano abaari ka taagnayd

 

Axad, April, 15, 2018 (HOL) – Deegaannada Nugaasha, Soolka iyo Xaysimo oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Sool  ayaa roobab ka curteen iyadoo ku  dhowaad shan sano aan roob la sheegaa  ka di'in.

Qaybo ka mid ah degmooyinka Xudun, Taleex iyo Laas-caanood ayaa qaybo ka mid ah roobab lagu qabowsadey ay ka de'een iyadoo degaanadaas intooda badan ay dad iyo duunyoba ay ka dalween.

"Roobab ayaa 24saac ee la soo dhaafay ka da'ay qaybo ka mid ah degmada Xudun, Buuraleyda Xagrin, Shiilamadow, Dhaban, illaa Awrboogays iyo degaano kale ayaa Roobab kala duwan ka de'een, laakiin magaalada Xudun weli waa ooman yahay" sidaa waxaa HOL u sheegay Maxamed Jaamac oo Xudun ku sugan.

Sidoo kale degmada Taleex oo ay ku yaalaan dhul daaqsimeedka gobolka ugu muhiimsan ayaa qaybo ka mid ah doogsadeen.

Maxamed Cali ayaa u sheegay HOL in degaanka xalin iyo Dooxada Dhumay laga  dareemayo doogsin waxan.

Dhulka dooxada Nugaal ee dhambasha gobolka Sool ayaa dhul kooban roobku ka helay waxaana la rajeynayaa in isbedel xaga rabbi laga rajaynayo sida ay dadka badankoodu hadal hayaan.

Magaalada Laascaanood ayaa dhamaan dhinacyadeedu deelan yihiin in kasta oo magaalada aanay weli helin hogol la dheegaa.

Galbeedka degmada Laascaanood ilaa Buuhoodle ayaa roobab laxaadleh ay ka da'ayeen iyadoo sanadkii la soo dhaafayna Illaahay raxmaadkiisa ugu deeqay, taas oo sababtay in xooluhu ay ku baxsadaan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool.