4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2018
Abwaannad Naciimo Qorane oo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah

 

Axad, April, 15, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maxkamada gobolka Maroodijeex xukun saddex sano ah ku riday Abawaannad Naciimo Qarone.

Naciimo ayeey maxkamada ku soo oogtay danbi ah in ay faafisay hadalo ka dhan ah jiritaanka Maamulka Somaliland iyo inay dal shisheeye ka sameysay barnaamij kacdoon lid ku ah Somaliland.

Xariggeeda ayaa waxaa horay u cambaareeyay hey’adaha xuquuqda aadanaha, iyadoo lagu xusuusto suugaan ay ka tirisay midnimada Soomaaliya.

Abwaannad Naciima ayaa horay uga qeyb gashay barnaamijyo kala duwan oo isugu jiray bandhigyada buugaagta iyo suugaanta oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Maxkamaddu ma sheegin in Xukunka Naciima la iibsan karo ama racfaan laga qaadan karo sida xukunno ay horay u ridday oo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]