4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2018
Natiijada doorashada mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu qabtay Dhuusa-Mareeb

 

Axad, April, 15, 2018 (HOL)–Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya  Cabdullahi Faarax Wehliye ayaa ku guuleystay doorashada Kursiga xildhibaanimo ee golaha Shacabka, taasoo Maanta ka dhacday magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.

Amaanka xarunta Doorashada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dhammaan xarunta joogay Ergadii Doorashadda iyadoo ay doorashadu ku socotay si nidaam ah.

Kursigan Xildhibaanimada ee maanta loo taretamayay ayaa waxaa horay uga geeriyooday AUN Xildhibaanada Bootaan Ciise Caalin, waxaana u tartamayay saddex musharax oo kala ahaa C/llaahi Faarax Wehliye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee DFS iyo Maxamed Cilmi Afrax Mideeye iyo sidoo kale Cabdulle Faarax Xirsi.

Cabdullahi Faarax Wehliye ayaa helay codod dhan 28 cod, halka Musharax kale Maxamed Cilmi Afrax Mideeye uu helay 17 cod, Cabdulle Faarax Xirsi ayaa isna helay 3 cod, waxaana xumaaday 3 cod.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in uu guulaystay Xildhibaan Cabdullahi Faarax Wehliye Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia