Doorashada mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu qabanayo Dhuusa-Mareeb
Axad, April, 15, 2018 (HOL) – Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka
Galmudug waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada mid ka mid ah
kuraasta Golaha Shacabka.
Guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer qaran ayaa ku howlanaa qabsoomida
doorashada kursiga uu ka geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, waxaana
ku tartamaya illaa saddex musharax.
Musharixiinta ku tartameysa kursiga ayaa kala ah Maxamed Cilmi Afrax Mideeye
oo horay kursigan ugu soo tartamay looga adkaady iyo C/llaahi Wehliye oo ah wasiir-dowlaha
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.
Ergada dooraneysa kurisgan oo ah 51 xubnood ayaa dhawaan la geeyay magaalada
Dhuusa-mareeb, waxaana la dejiyay mid ka mid ah xarumihii uu ku howl galayay
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir.
Doorashadan ayaa haddii dhacdo waxaa ay noqoneysaa kursigii 3aad ee ay
qabtaan Guddiga doorashooyinka heer qaran, kuwaasoo horay ugu guuleystay
doorashooyinka kuraastii banaanaa ee ka kala dhacay Muqdisho, Jowhar iyo
Kismaayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]