4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2018
Haweeney isku daldashay magaalada Muqdisho

 

Axad, April, 15, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in haweeney Soomaaliyeed oo heystay Labo Carruur ah isku daldashay gurigeeda sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada hooyadan is dishay.

Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Xaawo Cali Maxamed ayaa la sheegay in ay isku soo xirtay gurigii ay degeneyd kaddibna xarig u isticmaashay dilkeeda.

Macalin Cabdulle Macoow ay Ilmo adeer ahaayeen haweneydan ayaa sheegay in isaga oo guriga ka maqan lagu soo wargaliyay dhacdadan, waxaana uu intaa ku darray in gabadha waayadii ugu danbeeyayba uu hayay cudurka dhimirka.

‘’Walaaloow gabadha  in muddo ahba waa ay xannuusaneyd muddo sanad ku dhaw ayuu cudurka dhimirka  hayay, waxaan geynay goob dadka lagu daweeyo, xoogaa waa ay ku yara fiicnaatay, markii aan guriga ku soo celinay dhowr maalmood kaddibna falka ayaa dhacay oo waa ay is dishay’’ ayuu yiri Macalin Cabdulle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ay u geysatay Carruurteeda oo ah laba Wiil, isla markaana meydkeeda ay geeyeen Xarunta dembi-baariista ee CID-da oo uu ku amray taliyaha Saldhiga degmada Yaaqshiid.

Falalkan noocan oo kale ah ee dadka naftooda gooya ayaa ah kuwo dhif iyo naadir ah oo aan inta badan ka dhax dhicin bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]