4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2018
Khilaaf ka jira xisbiga WADANI iyo xoghayihii guud ee xisbigaasi oo xilkii laga qaaday

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa waxa maalmahan ka dhex jiray khilaaf u dhexeeya gudoomiyaha iyo xoghayaha guud ee xisbigaasi.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Maxamed Uur-cade ayaa eeddo u soo jeediyey gudoomiyaha xisbiga WADANI, waxaanu sheegay in loo baahan yaha isbedel ku dhaca xisbiga si doorashooyinka soo socda guul u gaadho, taasina waxay keentay in uu khilaafkii cirka isku shareero.

Guddida fulinta ee xisbiga WADDANI oo uu hogaaminayey gudoomiye Cirro ayaa maanta shir degdeg ah iskugu yimid, waxaanay xilkii iyo xubinimadii xisbigaba ka saareen xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Uur-Cadde.

“Xoghayaha guud ee xisbiga Uur-cade wuxuu isku direy deegaanno iyo xisbiga, iyo siyaasiyiin iyo xisbiga, waxaa kale oo aad ka war qabteen in go’aamo uu ka soo saaray xisbiga arrintii saldhiga Militari ee Imaaraadka uu ka hor yimid, xoghayaha guud wuxuu jabiyey xeerkii xisbiga, waxaanu dadafeeyey go’aamadii guddida fulinta, waxaanay dood dheer ka dib cod gacan taag ah xilkii kaga qaadeen xoghayihi xisbiga Maxamed Cabdilaahi Uurcade”ayuu yiri gudoomiyihii xisbiga C/raxmaan Cirro.

Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii gudoomiye Cirro uu xoghayaha usoo jeediyey inuu xilka ku wareejiyey masuul kale, haseyeeshee uu xoghayuhuna ka hor yimid inuu xilka wareejo, maadaama oo uu ku dooday in golaha dhexe lagu doortay ay xilka ka qaadi karaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.