3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2018
Wasiirka arrimaha dibeda oo la kulmay xoghayaha Ururka Jaamacada Carabta

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Wasiirka Arrimaha dibada dowlada Federalka Soomaaliyae Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kula kulmay Dalka Boqortooyada Sacuudiga Xog-hayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd.

Kulanka labada mas'uul ayaa la sheegay in looga hadlayay horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya.

Mr Axmed Abul Qeyd xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankiisa bogaadiyey horumarada iyo dadaalada ay wado Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxuuna intaasi ku daray in Jaamacadda Carabta ay mar waliba garab taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana ay gacan ka geysaneyso dib usoo celinta nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa shaaciyay in si gaar ah Hay’adaha amaanka Soomaaliya lagala shaqeyn doon dhinaca sugidda amaanka iyagoona sidoo kale sheegay in deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah ay kala hadli doonaan sidii gar gaar loo gaarsiin Soomaaliya.

Dhanka kale Ururka Jaamacadda Carabta ayaa balan qaaday in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan dhinaca Doorashooyinka islamarkaana kormeerayaal ka socda Ururka Jaamacadda Carabta ay imaan doonaan Soomaaliya.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia













Click here
4/14/2018 10:53 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in la fasaxay diyaaradii laga lahaa Isku-tagga Imaaraadka Carabta, madaama lagu xayiray garoonka.

4/14/2018 10:44 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa waxa maalmahan ka dhex jiray khilaaf u dhexeeya gudoomiyaha iyo xoghayaha guud ee xisbigaasi.

4/14/2018 7:00 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL) Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso halkaa ku xayireen diyaarad laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

4/14/2018 5:35 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si ba'an u cambaareeyey weerarka ay reer Galbeedku ku qaadeen Suuriya oo ay dalkiisa xulufo yihiin.

4/14/2018 4:42 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u ambabaxay magaaladda Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29-aad ee Madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

4/14/2018 3:44 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku sii jeedda dalka Sacuudiga Arabiya si halkaasi uu uga qeyb galo Shirka 29 aad ee Ururka Jaamacada Carabta.

4/14/2018 2:58 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Maamulka gobolleedka Hirshabeelle ayaa is bedel maamul iyo mid amni oo lagu sameynayo maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada, iyadoo shalay wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle xilka looga qaaday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, laguna magacaabay Guddoomiye cusub.

4/14/2018 12:37 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo.

4/14/2018 12:31 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa si kulul loogu cambaareeyay Qarixii ka dhacay Garoon Kubadda lagu cayaaro oo ku yaalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

4/14/2018 12:17 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha dalka Suuriya.