4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2018
Diyaarad laga leeyahay Imaaraadka oo lagu xayiray magaalada Boosaaso

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso halkaa ku xayireen diyaarad laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

Dad ku sugan Boosaaso ayaa warbahainta u sheegay in loo diiday diyaaradaha in ay ka duusho garoonka kaddib markii ay diideen saraakiishii la soctay diyaarada in la baaro ka hor inta aysan duulin.

Warka arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Is afgaranwaa ayaa dhex maray ilaalada garoonka iyo dadkii raaci lahaa diyaarada waxaana weli xayiran diyaaradaasi kadib markii ay ka madax adegyeen saraakiisha imaaraadka carabta in la baaro boorsooyinka iyo waxyaalaha kale ee ay wateen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee la xiriira xayiraada diyaaradan loo geystey.

Tallaabadan ay qaadeen ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha Boosaas ayaa imanaya xili Axadii ina dhaaftay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu qabtay diyaarad siday lacag dhan $ 9 milyan iyo 600 oo Kun oo dollar oo ka timid dalka iskutaga Imaaraadka Carabta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]