Sabti, April, 14, 2018 (HOL) –
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si ba'an u cambaareeyey weerarka ay
reer Galbeedku ku qaadeen Suuriya oo ay dalkiisa xulufo yihiin.
Warbixin
laga baahiyey Telefishanka dawladda ayuu Putin "si adag ugu
cambaareeyey" weerarkaas waxaanu yidhi duqaynta Suuriya waa "fal
gardarro cad ah" waxaanu intaa ku daray in hubka kiimikada ah ee la
sheegay in lagu weerary magaalada Duuma ee Suuriya todobaadkii hore, uu ahaa
shirqool la maleegay oo looga gol lahaa in marmarsiiyo looga dhigto weerar lagu
qaado Suuriya.
Ra'isal
wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, oo haatan shir jaraa'id oo socda oo ay ka
hadlaysa oo ay ku faahfaahinayso duqaynta reer Galbeedka ee Suuriya, ayaa tidhi
cid aan ahayn dawladda Suuriya ma ay qaadin weerarka hubka kiimikada lagu
sheegay ee lagu qaaday magaalada Duuma todobaadkii hore.
"Waanu
og-nahay in maamulka Suuriya uu leeyahay caado xun oo ah inuu hubka kiimikada ah
u adeegsado dadkiisa" ayey tidhi May, waxaanay hadalkeeda ku dartay oo
sheegtay in taalabadaa laga qaaday dawladda Suuriya tahay mid "sharci iyo
gar labadaba ah" laakiin aanay doonayn in ay xukuumadeedu faraha la gasho
dagaalka sokeeye ee ka socda Suuriya.
Xigashada Warkan BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]