4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda dalka Sacuudi Arabiya

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku sii jeedda dalka Sacuudiga  Arabiya si halkaasi uu uga qeyb galo Shirka 29 aad ee ururka Jaamacada Carabta.

Warar aan helayno ayaa tilmaamayo in shirkan looga hadli doono Arrimo badan sida, sidii xal waara loogu heli lahaa magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta oo uu Maraykanka u aqoonsaday caasimada Israa`il, iyo qaraarkii dowlada Soomaliya looga mamnuucay shirkada DP World ee dalka Imaaraadka iyo sidoo kale dacwada dowlada Jabuuti ay ka gudbisay isla shirkada DP World iyo arrimo kale oo badan.

Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in uu shirkaasi ka jeediyo Khudbad uu kaga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya waxaana Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo la filayaa in uu Kulamo kala la qaadan doonaa Madaxda Shirkaasi ka qeyb gali doonta.

Ugu dambeyntii waxaa dhanka kale soo baxaya warar sheegaya in dowladda Sucuudiga ay dhex dhexaadin doonto dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta oo ay xiisad siyaasadeed ka dhax jirto taasoo mudooyinkii dambe cirka isku sii shareertay.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia