Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Maamulka gobolleedka
Hirshabeelle ayaa is bedel maamul iyo mid amni oo lagu sameynayo maamulka
Gobolka Hiiraan iyo kan degmada, iyadoo shalay wareegto ka soo baxday
Madaxweynaha Hirshabeelle xilka looga qaaday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,
laguna magacaabay Guddoomiye cusub.
Waxaa xilkii laga qaaday taliyihii nabad-sugida gobolka
Hiiraan C/qaadir Maxamed Abuukar Dhega-weyne, waxaana Taliyaha cusub loo
magacaabay Cabdi Maxamed Cali.
Sidoo kale Taliyaha cusub ee Nabadsugida degmada
Beled-Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Colaad C/llaahi Cismaan.
Is bedeladan ayaa dhacaya, xilli madaxweynaha
Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sugan yahay magaalada Beledweyne,, dhinaca kalana maalintii shalay lagu dhawaaqay guddoomiye cusub oo uu yeelanayo gobolka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]