3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2018
Shirweynaha caalamiga ah ee Suufiyada oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo.

Guddoomiyaha oo booqday Xarunta Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho oo marti gelisay culumada ka qeyb galay shir weynaha 7aad ee Suufiyada Caalamka ayaa sheegay in ay laf dhabar u yihiin dadaallada dib u dhiska dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

“Magaalada Muqdisho in ay marti geliso culimmo ka socota dhowr iyo toban dal waxa ay tilmaan u tahay hor u socodkeenna iyo sida ay inoo ka go’antaahy in aan soo ceshanno kaalinta iyo maqaaamka aan ka joognay magaalooyinka kale ee Caalamka.”

Guddoomiyaha Gobolka ayaa booqashada kaddib waxa uu caawa casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban qaabada Shirka 7aad ee Suufiyada iyo dhammaan culummadii ka qeyb gashay, isagoona kula dar daarmay in ay dar dar geliyaan dadaallada ay ku bixinayaan iftiiminta khatarta xagjirnimada iyo sida ay u marin habaabeen argagixisada Alshabaab.

“Dadka Soomaaliyeed aad ayey ugu nugul yihiin culamu-diinkooda, sidaas darteed waxaan rabnaa in aad xoojisaan kaalinta aad ku leedihiin baahinta amniga iyo nabadeynta bulshada oo labaduba udub dhexaad u ah tilmaamaha shareecada Islaamka iyo waajibaadka ina saaran.”

Casho sharafta loo sameeyey culummada ka qeyb gashay shir weynaha Suufiyada waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dolwaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Macalin Nuur, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo masuuliyiin kale oo heer Gobol iyo heer Federaal ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/14/2018 10:53 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in la fasaxay diyaaradii laga lahaa Isku-tagga Imaaraadka Carabta, madaama lagu xayiray garoonka.

4/14/2018 10:44 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa waxa maalmahan ka dhex jiray khilaaf u dhexeeya gudoomiyaha iyo xoghayaha guud ee xisbigaasi.

4/14/2018 7:50 AM EST
Sabti, April,14,2018 (HOL)–Wasiirka Arrimaha dibada dowlada Federalka Soomaaliyae Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kula kulmay Dalka Boqortooyada Sacuudiga Xog-hayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd.

4/14/2018 7:00 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL) Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso halkaa ku xayireen diyaarad laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

4/14/2018 5:35 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si ba'an u cambaareeyey weerarka ay reer Galbeedku ku qaadeen Suuriya oo ay dalkiisa xulufo yihiin.

4/14/2018 4:42 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u ambabaxay magaaladda Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29-aad ee Madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

4/14/2018 3:44 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku sii jeedda dalka Sacuudiga Arabiya si halkaasi uu uga qeyb galo Shirka 29 aad ee Ururka Jaamacada Carabta.

4/14/2018 2:58 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Maamulka gobolleedka Hirshabeelle ayaa is bedel maamul iyo mid amni oo lagu sameynayo maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada, iyadoo shalay wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle xilka looga qaaday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, laguna magacaabay Guddoomiye cusub.

4/14/2018 12:31 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa si kulul loogu cambaareeyay Qarixii ka dhacay Garoon Kubadda lagu cayaaro oo ku yaalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

4/14/2018 12:17 AM EST
Sabti, April, 14, 2018 (HOL)–Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha dalka Suuriya.