4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2018
Qatar oo si adag u cambaareysay Qaraxii degmada Baraawe

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa si kulul loogu cambaareeyay Qarixii ka dhacay Garoon Kubadda lagu cayaaro oo ku yaalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar ayaa ku celcelinaysa sida ay ugu soo horjeedo isla markaana u diidan tahay rabshadaha gacan ka hadalka ah ee argagaxisada ku saleysan oo aan jirin wax sabab ah oo ka dambeeya.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale, sheegtay in ay gebi ahaan ka soo hor jeedo beegsiga goobaha dadweynaha iyo in dadweynaha la cabsi geliyo, waxayna tacsi u dirtay dowladda Soomaaliya iyo qoysaska dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Al-shabaab ayaa qarax miino oo ay ku aaseen garoon kubada cagta lagu cayaaro waxa ay ku dileen ilaa Afar qof, halka ay ku dhaawaceen tiro intaas ka badan, kuwaasi oo u badnaa dhalinyaro.

Laakiin dhinacooda waxaa ay sheegeen in weerarkaasi ka dhacay Baraawe ku dileen Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]