4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 14, 2018
Mareykanka iyo xulafadiisa oo weeraray Suuriya

 

Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha dalka Suuriya.

Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya, waxaana sidoo kale la arkay uuro iyo qaac ka baxaya halka uu weerarka ka dhacay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay weerarka, waxaana Trump uu intaa raaciyay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay horay ugu diyaar garoobeen ficil ka dhan ah dowladda Suuriya, si loo joojiyo hubka kiimikada ee la sheegay inay adeegsatay.

Trump waxaa kale oo uu edeeyay dowladda Ruushka oo uu sheegay inay ku guuldareysatay inay ka soo baxdo ballankii ay qaaday sannadkii 2013-ka, kaasi oo ahaa inay burburiso hubka kiimikada ee Suuriya.

Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May oo iyaduna ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in weerarada ay ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya ay ahayeen kuwa qorsheysnaa oo loogu talo galay in aysan sii hurinin xiisadda gobolka, waxaana ay intaa ku dartay inay iska ilaaliyeen waxwalbo waxyeleyn kara dadka rayidka.

Sidoo kale weerarka waxaa ka hadlay madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron oo sheegay in weerarda ay ahaayeen kuwa looga hortagayo in dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad aysan adeegsanin hubka kiimikada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]