4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2018
Wasaaradda waxbarashada oo shaacisay waqtiga la qabanayo Imtixaanka Dugsiyada sare

 

Jimco, April, 13, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare Dr. C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay  in Wasaaradda Waxbarashada ay qabaneyso Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2017 iyo 2018-ka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in imtixaanka sanadkan ay ka qeyb geli doonaan 27-kun oo Arday,isagoona tillmaamay in Imtixaanka uu ka qabsoomayo dhamaan maamul Gobolleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale,Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare oo lagu diyaariyay dalka gudihiisa la qaban doono 12-ka bisha May ee sanadkan 2018-ka,waxaana Qarashaadka ku baxaya dhamaan bixinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa bogaadiyay hay’adaha amaanka sida hufan oo ay uga qeyb qaataan sugida ammaanka dhammaan xarumaha Waxbarasho ee lagu qabto Imtixaanaadka dugsiyada sare ee dowladda ay qaato.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]