4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2018
Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay dulleedka Kismaayo

 

Jimco, April, 13, 2018 (HOL) - Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa Arbacadii ina dhaaftay duqeyn la beegsaday saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, meel u dhaw deegaanka Jannaay Cabdalle.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan si gaar ah loola beegsaday gaari miineysan oo xubno Shabaab ka tirsan ay saarnaayeen.

Mareykanka qoraalkiisa kuma aanu sheegin khasaare nafeed oo ururka Al-shabaab ay ku gaarsiiyeen Duqeyntan, balse wuxuu tilmaamay in uu burburiyay gaariga walxaha qarxa lagu soo raray.

 Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay duqeyntan oo dhacday 11-kii bishan April in ay iskaashi kala sameeyeen dowladda federaalka, kadibna ay fuliyeen.

Waa duqyantii 12-aad ee Maraykanku sannadkan ka gaystaan gudaha Soomaaliya taasi oo bartilmaameeedsatay ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]