4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2018
Xildhibaannada Baarlamaanka oo ku kala aragti duwan cida u tartami karta Kursiga guddoonka Golaha Shacabka

 

Jimco, April, 13, 2018 (HOL)–Inkastoo laga faraxashay khilaaf siyaasadeedkii ka dhashay mooshinkii laga keenay guddoomiyihii xilka iska casilay Prof Maxamed Cismaan Jawaari, mar kale baarlamaanka Soomaaliya ayaa wajahaya khilaaf ka abuurmaya qodob sharciyeedka ah cida u tartami karta xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in marka la eego habka ay ku dhisan tahay dowladda ee 4.5 in kaliya kursigan u tartami karaan xildhibaannada ku abtirsada beesha uu ka soo jeedo guddoomiyihii is casilay Prof Jawaari, isaga oo meesha ka saaray in cid waliba isku soo taagi karto qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

‘’Waad og-tihiin Hirshabeelle markii madaxweynaha la dooranayay waxaa la yiri ‘’Reer Hebel’’ oo kaliya ayaa u tartami kara iyadoo la fiiranayo habka awood-qeybsiga sidaa daraadeed doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ma’aha mid u furan xildhibaan kasta , laakiin waxaa u tartami kara oo kaliya beesha uu ka soo jeedo guddoomiyaha xilka ka degay’’ ayuu yiri Prof Dalxa.

Laakiin aragti taa ka duwan waxaa qaba xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo sheegay in musharax kasta oo buuxiya sharuudaha laga rabo in uu u furan yahay qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo aan loo eegin beesha uu ka soo jeedo, waxaana uu arin sharci darro ah ku tilmaamay in beel kaliya sida uu hadalka u dhigay lagu calaamadiyo in ay isku soo taagto guddoonka Golaha Shacabka.

‘’Dastuurkeenu kuma qorna in xilalka lagu qeybsado 4.5 iyo qabiil, laakiiin wuxuu iska ahaa heshiis ama is faham guud oo aan sharci ku dhisneyn, sidaa daraadeed doorashada guddoonka Baarlamaanka waxey u furan tahay cid kasta oo soo buuxisa sharuudaha laga rabo''ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad

Labadan aragti oo ay kala qabaan labada xildhibaan ee ka wada tirsan Golaha Shacabka ayaa hadda ah sheekada ugu xiisaha badan marka la eego loolanka siyaasadeed ka dhax jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan garabkii sida weyn u taageeray Prof Jawaari qorsheynayaan in ay isku soo taagaan qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka kuwaa oo marka awood qeybsiga beelaha ee dowladda Soomaaliya ku dhisan tahay la eego ku heyb noqonaya ra’iisal wasaare Kheyre.

Ilaa iyo hadda musharixiinta cadeeyay hankooda ah qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka soo jeeda dhamaantood maamulka Koonfur Galbeed kuwaa oo loo arko in ay iyagu leeyihiin buuxinta kursiga uu banneeyay Jawaari.

Balse dagaal siyaasadeedka socda awgii ayaa laga yabaa in ay jirin karaan xildhibaanno kale oo maalmaha soo socda shaacin doona musharaxnimadooda kuwaa qaar ka mid ah durbaba siweyn dadku u hadal hayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]