Jimco, April, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmihii ugu danbeeyayba sugnaa magaalada Beledweyne ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxaana xilka guddoomiyaha gobolka loo magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan ayaa labo jeer soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaana markii ugu horeysay guddoomiyaha gobolka u magacaabay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo laakiin markii danbe xilka ka qaaday, hasse ahaatee waxaa mar kale dib u soo magacaabay madaxweyne Waare.
Wareegtada magacaabista guddoomiyaha cusub :
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]