4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2018
Uganda oo canshuur ka qaadeysa dadka xanta iyo dacaayada u isticmaala baraha bulshada

 

Jimco, April, 13, 2018 (HOL) –Dowladda Uganda ayaa qorsheyneysa in ay canshuur maalinle ah ka qaado dadka isticmaala baraha bulshada wixii loo gaaro July, si sare loogu qaado dakhliga, sida uu sheegay Wasiirka Dhaqaalaha dalkaasi Matia Kasaija.

Talaabadan ayaa waxaa cambaareeyay mid ka mid ah dadka xuquuqda u dooda oo lagu magacaabo Rosebell Kagumire oo yiri: "Waxay qayb ka tahay iskudayada ballaaran ee lagu wiiqayo xorriyatul-qowlka."

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa horraantii bishan warqad uu u diray Kasaija iyo saraakiil kale ku sheegay in dadka xanta u isticmaala baraha bulshada ay tahay in canshuur lagu soo rogo.

"Kuma soo rogayo canshuur dadka u isticmaala baraha bulshada sababo waxbarasho, baaritaan ama tixraac ..kuwaasi bilaash bey sii ahaanayaan," ayuu yiri madaxweynuhu.

Dadka isticmaala WhatsApp, Facebook iyo Twitter ayay canshuurtani saameyn doontaa.

Waa markii ugu horeysay oo dowlad ku dhawaaqdo in canshuur laga qaadayo qeyb ahaan dadka isticmaala baraha bulshada taasoo ay siweyn uga xumaadeen dadka reer Uganda ee iyagu ku tixan isticmaalka baraha bulshada oo hadda ah Aalad awood badan oo wararka leysku dhaafsado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]