4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo si adag u cambaareeyay Qaraxii degmada Baraawe

 

Jimco, April, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyay Qaraxii galinkii danbe ee shalay lala eegtay dhalinyaro kubad ku cayaareysa garoon ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay qarixaasi oo ay ku dhinteen dhallinyaro ku sugnaa garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Al-shabaab cadawga kaliya oo ay leeyihiin umadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay sida uu hadalka u dhigay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo wiiqi lahaa.

“Sida aad ogtihiin maanta Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. cadawga kaliya ee aan leenahay waa iyaga, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday falkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay degmada Baraawe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana in uu caafimaad degdeg ah siiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]