4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2018
Bulshada rayidka oo ku baaqday in 15 cisho gudaheed lagu soo doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Jimco, April, 13, 2018 (HOL) – Dallada ay ku mideysan yihiin ururrada bulshada rayidka ee SOSCENSA ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Soomaaliya in muddo 15 cisho gudaheed lagu soo doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib markii uu is casilay guddoomiyihii golaha Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Akhriso Warka ka soo baxay Dallada Bulshada rayidka :

Dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA oo ay ku mideysan yihiin inta badan Ururada Bulshada rayidka ah ayaa waxa ay u taagan yihiin u qareemida danta guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo talasiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Dallada SOCENSA oo dadaal u gashay sidii loo xallin lahaa khilaafka ka dhex aloosnaa golaha shacabka, horayna uga soo saartay baaqyo ku aadan in la damiyo xaaladaasi, iyadoo kulamo kala yeelatay dhinacyada khilaafka ka dhex jiray ayaa waxa ay boogaadineysaa Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka dadaalada ay xalliyeen khilaafka siyaasadeed ee taagnaa taasi oo qeyb ka ahayd tallooyinka bulshada rayidka ee ahaa in khilaafka lagu dhammeeyo wada-hadal ama si waafaqsan sharciga.

Sidoo kale Dallada Bulshada Rayidka ah waxaa ay usoo jeedineysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed inay soo doortaan shaqsi karti iyo aqoon u leh arimaha sharci dejinta islamarkaana ay ku soo doortaan mudo 15 maalmood ah.

Ugu dambeyn dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA waxa ay ku baaqeysaa in laga fogaado wax weliba oo keeni Kara khilaaf siyaasadeed taasi oo dib u dhac ku keeni karta geedigga dowladnimo ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]