4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2018
Sarkaal ka soo goostay Al-shabaab oo lacag la guddoonsiiyay

 

Jimco, April, 13, 2018 (HOL) – Waa markii ugu horeysay oo sarkaal ka soo goostay Al-shabaab si muuqata lacag loo guddoonsiiyo, kaddib markii maamulka Koonfur Galbeed lacag dhan $ 15 Kun oo dollar guddoonsiiyay Maxamed Xassan Aadan Sandheere oo horay uga tirsanaa Al-shabaab.

Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo ayaa lacagtan lagu guddoonsiiyay sarkaalka ka soo goostay Al-Shabaab, waxaana guddoonsiiyay Wasiirka Amniga Xassan Xuseen Maxamed Xasan Eelaay.

Maxamed Sandheere oo ka tirsanaa Saraakiisha Hoggaanka Gaadiidka ee Al-Shabaab ayaa Maamulka Koonfur Galbeed isu soo dhiibay, xilli uu watay gaari nooca dagaalka, isla-markaana uu ku xiran yahay qoriga dhashiikaha.

Sandheere ayaa sheegay in muddo dheer uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab markii ugu dambeysayna uu ka yimid dhinaca Gobolada Jubbooyinka.

 

Sandheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu Al-shabaab isaga baxay kaddib markii uu arkay Shabaab oo xaqdaro ku leyneysa shacabka Muslimiinta ee Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa sii kordhayay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee isku dhiibaya maamulka Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]