4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2018
Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay garoon Kubadda lagu cayaaro degmada Baraawe

 

Khamiis, Aprril, 12, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ilaa afar dhalinyaro ah ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax galabnimadii maanta oo Khamiis ah ka dhacay garoon Kubadda lagu cayaaro.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu asiibay dhalinyaro Kubadda ku cayaareysay meel garoon ah, waxaana la sheegay in cayaartan aheyd Semi-Finalka cayaaro degamada ka socday oo ay isku arkayeen kooxo lagu kala magacaabo Elman iyo SYL.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay qaraxan inay ku dhinteen afar qof, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad ku dhaw 10 kale, kuwaasoo la dhigay Isbitaalada Magaalada.

Wuxuu sheegay Qaraxan inay ka dambeeyaan ururka Al-Shabaab, isaga oo intaa raaciyay in Hay’adaha ammaanka ay ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay, ayna rajeynayaan inay gacanta ku soo dhigaan.

Dadka qaraxa ku wax-yeeloobay ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaro xilligaasi daawaneysay ciyaar kubada cagta ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]