Khamiis, Aprril,
12, 2018 (HOL) –Inbaddan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed kuwa ku
nool qurbaha iyo gudaha Soomaaliya waxay la kulmaan caqabado ka dhasha dhanka
fikirka gaar ahaan marka loo eego dhanka Diinta.
Waxa ay qaarkood saxiib la noqdaan kuwo si dhab ah
noloshooda cadow ugu ah islamarkaana u horseeda mustaqbal l'aan iyo in ay
galaan albaabkii nolohooda ku soo xirmi lahayd, kaas oo taariikh xun ku reeba
qoyskiisa iyo asxaabtiisa kuwooda wanagsan.
Dhalinyaro baddan ayaa iyaga oo aan cilmi buuxa u lahayn
arimaha diinta si qaldan looga raaridaa qodobo u muujinaya in ay yihiin kuwii
ay janada ku gaari lahayeen ama ay ku heli lahayeen liibaan aduun iyo mid
aaqiro, lakin taas badalkeeda waxa ay la kulmaan dhibaato aysan marnaba ka lug
bixi karin.
Arimaha xagjireeynta dhalinyarada waa mushkilad meel
walba ku haysata dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana tusaale kuugu filan
dhalinyarada ku jirta xabsiyada dalka Mareykanka waxaa ka mid ah kuwo loo xiray
arimo la xariira xagjirnimo aysan cilmi u lahayn islamarkana aysan wax ficil ah
ayaga oo aan samayn la helay xogtooda deetana ay ku muteen xabsi iyo ciqaab,
hadii aad wax ka weydiiso sababata loo xiray si fiican uma sharixi karaan maxaa
yeelay waa wax aan iyaga ka imaan ee maskax kale ay adeegsatay.
Dhalinyarada maalin walba qaraxyada ka sameeya dalka
Soomaaliya ee uu arka in ay jano ku galayaan in ay dilaan ama laayaan kumannaaan
dad ah oo aan waxba galabsan waa astaan kale oo muujinaysa xadiga xagjireeynta.
Haddaba waxa is weydiin mudan Waa maxay xagjirnimo? Sidee
looga hortagi karaa? muxuu yahay doorka waalidiinta? Culumadu ma qaataan
kaalintooda ku aadan in laga hortago xagjirnimada, diintuse maxay ka qabtaa?
dhaman waa Su'aalo ay is weydiin karaan dadka caqliga u saaxiibkaa.
Waxaan asbuucan arimahan wax ka weydiinay Sheekh Horseed
Nuux oo ah nin dhalinyaraa oo aqoonyahan ah isla markaana ku nool Magaalada
Columbus Ohi, waa Afhayeenka gudiga Masaajida Somaalida Ohio wana agaasimaha
Masjidka weyn ee abubakar Sadiiq ee isla Columbu.
Deeqo SONNA