4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2018
Agaasimihii guud ee wasaaradda Qorsheynta Somaliland oo is casilay

 

Khamiis, Aprril, 12, 2018 (HOL) – Agaasimihii guud ee wasaaradda Qorsheynta horumarinta Somaliland Prof:Cabdi Cali Jaamac ayaa iska casilay xilkii wasaaradaasi ka dib markii ay khilaafeen wasiirkiisa.

Agaasimaha is casilay ayaa sheegay in madaxweynuhu telefoon ku canaantay ka dib markii wasiirku war khaldan u gudbiyey ka dibna uu madaxweynihii uu arki waayey si uu iskaga difaaco eedda loo soo
jeediyey.

Mar uu sharaxayey sababta uu isku casilay waxa uu yidhi “Waxan garawsaday in aad xaq u leedihiin in aan erayo kooban idinku sheego sababta aan xilka uga tegay, taasoo ah sidan soo socota:

Madaxweynaha ayaa telefoon igula soo hadlay sabtidii; wuxu igu yidhi hadal macnihiisu yahay (not literally) ha u mareexaanayn wasiirka!!! taas waynu isku dilaynaa!!! Markii aan ku idhi madaxweyne aan kuu imaaddo oo aan is difaacana wuxu yidhi laba cisho iga maqnaw, markaa shalay oo arbaca ah ayaan tegay. Waxana la ii sheegay in aanay ballani ii oolin.”

Waxaanu intaas raaciyey “ Haddaba, shaqaalaha iyo dadka wasaaradduba way sheegi xaqiiqada jirta ee anigu ma garanayo meel qawl iyo ficil midna aan ugu mareexaaneeyay wasiirka, kumana jirto qiyamkayga, dadnimdayda iyo damiirkayga in aan ku dhaqmo sifooyin ceynkaas ah.

Haddaba haddii Madaxeynuhu aaminsan yahay in dhaqankaasi aanu fiicnayn; Haddii aniguna aanan ku sifoobin dhaqankaas oo la ii waayo qawl iyo ficil aan ku mareexaanaynayo; ninka ashkatooday oo wasiirka ahi haddii isna uu aaminsan yahay in dhaqankani xun yahay oo uu ka dhiidhiyay ,markaa su'aasha jawaabta u baahani waxa weeyaan: yaa run sheegaya oo neceb dhaqankan?!!!!! ”.

Agaasimaha is casilay ayaa sheegay in madaxweynuhu ku canaantay in aanu wasiirka u isticmaalin shaadhkiisa oo uu shaqadiisa ku ekaado, haseyeeshee agaasimuhu wuxuu xusay in aanu dhaqan u lahayn inuu adeegsado awood aanu isagu lahayn, sidaas darteed mar hadii arrintaasi lagu edeeyey uu xilkii uu hayey iska casilay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.