4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2018
Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo booqday gobollka ay Oromadu degto

 

Khamiis, Aprril, 12, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo booqday mid ka mid ah magaalooyinkii banaanbaxyo waaweyn oo loogaga soo horjeeday xukuumadii hore ee Ethiopia ayaa ballanqaaday in isbedel uu imanayo haddii shacabku ay dulqaad muujiyaan.

Mar uu khudbad u jeedinayay kumanaan ruux oo ku sugnaa garoon ku yaal magaalada Ambo ayuu ra’iisal Wasaare Ahmed sheegay in wadankiisu uu ku socdo “Wadada isbedelka iyo Jacaylka”sida ay shaacisay wakaalada wararka ee AFP.

Kadib markii uu la kulmay hogaamiyaasha dhaqanka muddo hal daqiiqo ahna loo aamusay dadkii ku dhintey banaanbaxyada ayaa laga soo xigtey Mr Abiy: “Waxaad cabashooyin ku muujiseen baahidiina,annagana waxaan naga go’an inaan xallino dhammaan mashaakilaadkiina,balse si aan guul ku gaarno waxaan idinkaga baahanahay taageeradiina.”

Abiy Axmed ayaa haatan ku guda jira booqasho uu ku kala bixinayo gobolada dalka Ethiopia waxana uu dhowaan booqday gobolka ay Soomaalidu dagto isagoo kala hadlay sidii loo

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]