Khamiis, Aprril, 12, 2018 (HOL) – Hay’adda khayriga ah
ee Kalkaal Hospital Foundation ayaa baaris iyo Talaalka Hepititis B u
sameysay tiro ka badan 300 oo carruur agoon Soomaaliyeed ah oo ku jira qaar ka
mid ah dugsiyada waxbarashada gobolka Banaadir, gaar ahaan dugsiyada Axmed Gurey iyo Maxamuud Xarbi.
Maamulka Kalkaal Hospital
Foundation Dr Cabduqaadir Faarax Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in ay tallaabadan ay u qaadeen kaddib
markii ay ogaadeen baahida ay u qabaan carruurtan agoonta ah in ay hellaan
daaweyn lacag la’aan ah.
Waxaa uu sheegay maamulka in
uu sii wadi doono tabarucaadan caafimaad oo ay u sameynayaan bulshada qeybaheeda
kala duwan gaar ahaan dadka ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.
Waxaa jira qaliino lacag la’aan ah oo ay horay u fuliyeen
oo lagu sameeyay waxaana ka mid ah qaliinada ay horay u sameeyeen boqolaal dadka
faruuran ah oo loo sameeyay qaliin toliin ah kuwaa u badnaa carruur iyo gabdho
da’doodu aad u yar tahay.
Sidoo kale maamulka Kalkaal Foundation ayaa sheegay in
dhawaan dalka soo gaari doonaan dhakhaatiir u dhalatay dalka India oo la filayo
in ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’ideystaan howlihii caafimaad ee markii hore
loo aadi jiray dalka dibadiisa.
Magaalada Muqdisho waxaa ku nool qoysas badan oo danyar
ah iyo carruur ku agaantoobay dagaalladii dalka ka dhacay kuwaa oo mar walba u
baahan in la gargaaro.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]