4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2018
Munaasabada 58 Sano-Guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska ciidamada xoogga dalka oo maanta la qabanayo

 

Khamiis,, April, 12, 2018 (HOL) –Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya waxaa maanta lagu qabanayaa Munaasabadda lagu xusayo 58-guuradii ka soo wareegatay Aas aaska Ciidamada xoogga dalka oo la dhisay 12 April 1960kii

Diyaar-garoowga munaasabadda ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la filayaa inay munaasabadda maanta ka dhaceysa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku soo bandhigaan dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo taliyeyaasha Ciidamada ayaa ka qeyb galaya munaasabaddan maalinta 12-ka April.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan dhismaha ciidamo hanaanka kara amniga guud ee dalka iyadoo waayadii ugu danbeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu fariisin ama deegaan ka dhigtay wasaaradda Gaashaandhiga, isaga oo halkaa ka waday isku dubaridka iyo dib u habeynta ciidamada xoogga dalka oo markii u horeysay hoggaanada ciidanka laga qeyb geliyay dhalinyaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]