Khamiis,, April, 12, 2018 (HOL)–Wasiiru-dowlaha
Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda
Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn, kaddib markii axadii la soo
dhaafay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah diyaaradaha
Imaaraadka Carabta oo siday lacago mallaayiin doollar ah.
Waxaa uu ku eedeeyay dowladda hada jirta inay
sameysay xadgudubyo heshiisyadii iyo is fahamkii ka dhaxeeyay Imaaraadka
Carabta.
“Xukuumadda Soomaaliya ee
xilligan waxa ay ku sameysay xadgudubyo badan hababka iyo isfahanno hore oo sal
adag oo ay la gashay dowladda Imaaraadka, waxaa ay abuurtay caqabado aan loo
baahnayn in loola bareero saaxiib iyo isbaheysi u istaagay deganaanshaha iyo
ammaanka Soomaaliya xilli aad u xun, waxaa aan ugu baaqeynaa in garaadka iyo
caqliga uu shaqeeyo”ayuu yiri Anwar Gargash qoraal uu soo dhigay bartiisa
Twitter-ka
Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in diyaaradii
lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho Axadii la soo dhaafay ay siday lacag
gaareysa $ 9.6 milyan, oo loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baareyso
halka lacagta u socotay, meesha ay ka timid iyo danta laga lahaa, iyadoo
lacagtaas oo saddex boorso ku jirtay la geeyay Bankiga Dhexe.
Xiriirka labada dal oo bilihii la soo dhaafay
waxooga mugdi ku jiray ayaa hada meel xun gaaray, waxaana xiisad
diblomaasiyadeed ay sii xoogeysatay, maalintii Axadii, xilligaasoo diyaarad
Imaaraadka Carabta laheyd oo lacag waday lagu qabtay garoonka, waxaana
tallaabadaas cambaareysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]