4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay la wareegeyso ciidamada uu tababaro Imaaaraadka

 

Khamiis,, April, 12, 2018 (HOL) – Tan wixii ka danbeeyay dhawaan markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag dhan $9 iyo 600 oo Kun oo dollar oo ka timid dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta waxaa ay muuqatay in uu sii xumaanayo xiriirkii aan markii horeba cagaha badan ku taagneyn ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Dowladda Imaaraadka ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay si xun ula dhaqatay diblomaasiyiinteeda ku sugan gudaha dalkaa kaddib markii sida ay hadalka u dhigeen lagu handaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si qasab ahna loogala wareegay lacag dowladda Imaaraadku ay ku sheegtay in mishaar loo siin lahaa ciidamada ay ku tababaraan gudaha dalka Soomaaliya.

Haddaba dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in ay la soo wareegi doonto ciidamada ay gacanta ku hayaan Imaaraadka Carabta ee ku jira dugsiga tababarka Gordan, laguna kala dari doono sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa warka arintan ku saabsan ku raacay wasaaradda taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdiwali Jaamac Gorod oo sheegay in dowladda la soo wareegi doonto ciidamadan ay gacanta ku hayaan Imaaraadka wixii hadda ka danbeeyana dowladdu bixin doonto mishaarkooda.

Lacagtan ay Imaaraadku ku sheegeen in loo istimcaali lahaa saadka iyo mishaarka ciidamada ayaa muran badan dhalisay, madaama lagu soo beegay xili uu khilaaf siyaasadeed oo xoog leh uu ka dhax taagnaa Golaha sharci dajinta iyo Fulinta dowladda Soomaaliya, waxaana jirtay baqdin dowladdu ay ka qabtay lacagtan iyo cida ay ku soctay.

Ciidamada uu Imaaraadku ku tababaro gudaha dalka gaar ahaan xerada Gordan ayaa marar badan oo hore shaki la galiyay cida ay dhab ahaan ka amar qaataan, waxaana lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen weerarkii kol hore lagu qaaday guriga Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]