4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 11, 2018
Jen Gorod oo ka hadlay warqadii uu ku dalbaday in la fasaxo lacagtii UAE ee lagu qabtay Muqdisho

 

Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warqad uu u qoray maamulka garoonka Aadan Cadde oo la xiriirtay lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan.

Isaga oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu Taliye Gorod sheegay in markii hore ay Imaaraadka Carabta ka dalbadeen in uu u qoro warqad fasax ah lacag ay kala soo dagayaan garoonka Muqdisho, taasoo ah lacag loogu tala galay ciidanka.

“Haa Warqadaas waa jirtaa Aniga ayaa qoray,waxeyna ku timid codsi iyaga iiga yimid oo ay igu war-galiyeen in ay jirto lacag Boosaaso uga imaneysa in aan u qoro warqad fasax ah in ay garoonka ka soo degto, cadadka lacagta nalooma sheegin, laakiin waxaa ku qiyaaseyney ciidamada ay tababaraan lacag loogu talagalay”ayuu yiri taliye Gorod.

Waxaa uu sheegay in arintan wax cusub aheyn islmarkaana taliyayaashii horay u soo maray hogaanka ciidamada sidan oo kale warqado fasax u qori jireen isla markaana dhowr jeer ay Imaaraadka carabta lacago kala soo dageen garoonka.

Waxaa uu sheegay in warqada uu qoray isla maalintii ay soo degeysay diyaarada kaddib markii ay weydiisteen saraakiisha Imaaraadka in uu codsigaasi u qoro, balse markii lacagta timid oo lagu qabtay garoonka la isku qabtay in la baaro, si loo ogaado cadadka lacagta, isla markaana ay iyaga diideen in la ogaado lacagtaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jirtay warqad horay u qoray Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka, balse ay baaqatay.

“Lacagaha horay waa u imaan jireen, laakiin waa markii u horeysay ee aniga i weydiistaan in aan warqada fasaxa u qoro, laakiin waxaa laga yaabaa in markii hore la baari jirin, waxa loo baaray ma aqaan, hadii markii hore ay sheegi jireen iyo waxa ay hada u diideen ma aqaan”ayuu yiri Jen. Gorod.

Su'aal aheyd in uu lacagtan la socodsiiyay madaxda dowladda ayuu sheegay in aan loo baaheyn in madaxda lala wadaago maadama arrimuhu ahaayeen kuwo ciidan, lacagtuna aheyn mid loogu talagalay ciidan ku xareysan xero oo ay mushaarkooda bixiyaan.

Sidoo kale waxaa mar wax laga weydiiyay sida uu u arko in lacagtaasi la wareegtay dowladda ayuu yiri'' Waa la baarayaa lacagta , waxa laga yeelayana dowladda ayeey u taallaa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya lacagtii ay ku qabatay Garoonka Muqdisho, taasoo ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah xeerarka diblomaasiyadda, isla markaana lacagtaas aheyd lagu taageerayay Ciidamada Soomaaliya iyo heshiisyo sanadkii 2014 ay dowladdii hore ula galeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]