3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 11, 2018
Wasaaradda Amniga oo beenisay in ay jiraan haween cirbado ku weerara darawalada Mooto Bajaajka

 

Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) – Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Cabdicasiis Xildhibaan oo a soo xiriiray Hiiraan Online ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay weerar maalmihii ugu danbeeyay leysla dhaxmarayay oo ka hadlaya in ay jiraan haween Soomaaliyeed oo cirbado ku mudaya darawalada ku shaqeysta gadiidka yaryar ee Mooto Bajaajka.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa u dhignaa siddan :

Wasaaradda amniga gudaha markii ay baaritaan ku sameysay iyada oo kaashaneysa hey'adaha u xilsaaran dabagalka iyo baaritaannada waxay ku ogaatay in arrimaha ku saabsan in gabdho Soomaaliyeed lagu soo ashkateeyay in ay CIRBADO sumeysan ku dureen dhallinyaro ka mid ah wadayaasha gaadiidka loo yaqaano BAJAAJKA.

Haddaba annaga oo gudaneyna waajibaadka naga saaran ilaalinta sharafta iyo karaamada shacbga Soomaaliyeed iyo sumcadda gabdhaha waxaan u xaqiijineynaa in aanan ka oggolaan doonin ficillada ay ku kacayaan wiilasha wadayaasha ka ah gaadiidkaas si ay wax u yeelaan magaca gabdhaha Soomaaliyeed.

Waxaan idiin xaqiijinayaa in labadii dhacdo ee toddobaadyadii la soo dhaafay baaritaanno aan ku sameynay aan haba yaraatee ku weynay caddeymo lagu xaqiijin karo arrimahaas, waxaana ku ogaannay in ay tahay arrin khalkhal lagu galinayo amniga iyo xassilloonida guud, cid kasta oo ka been abuurta gabar Soomaaliyeed baaritaannada socda ka dibna caddaaladda la horkeeni doono.

Waxaan ka codsaneynaa laamaha Warbaahinta ama sida gaarka ah loo leeyahay in ay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta gabdhaha Soomaaliyeed joojiyaanna baahinta wararka aan salka iyo raadka toona laheyn ee bulshada lagu marin habaabinayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/11/2018 3:20 PM EST
Arbaco, April, 11, 2018 (HOL)–Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warqad uu u qoray maamulka garoonka Aadan Cadde oo la xiriirtay lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan.

4/11/2018 10:41 AM EST
Arbaco, April, 11, 2018 (HOL)–Iyadoo maanta uu dib u dhacay ku yimid kulankii khudbad jeedinta guddoomiye Jawaari ee Golaha Shacabka ayaa warar soo baxaya sheegayaan in maalinta berri ah la qaban doono fadhiga Golaha,

4/11/2018 6:20 AM EST
Arbaco, April, 11, 2018 (HOL)–Soomaaliya iyo todoba dal kale ayaa la filayaa in ay ka faa’iideystaan $ 5.2 milyan oo doolar oo ka imanaysa Dowladda Japan si ay u taageeraan mashaariicda ay fulinayso Hay’adda QM ee Horumarinta Warshadaha (UNIDO).

4/11/2018 5:56 AM EST
Arbaco, April, 11, 2018 (HOL)–Sarkaal u hadlay wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi ayaa faah faahin ka bixiyay dadka la nool xanuunka HIV Adis-ka ku sugan Magaalada Kismaayo.

4/11/2018 2:35 AM EST
Arbaco, April, 11, 2018 (HOL)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga wasaaradda gaashaandhigga.

4/11/2018 12:23 AM EST
Arbaco, April, 11, 2018(HOL)-Hay’adda nabad-galyada dalka Kenya digay wararro argagixiso oo ay geystaan dalkeeda Al-shabaab, gaar ahaan magaalooyinka dhaca gobolka waqooyi Bari.

4/11/2018 12:10 AM EST
Arbaco, April, 11, 2018 (HOL)-Roobab xoog leh oo Saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo wadooyinka waaweyn iyo kuwa xaafaddaha ay biyo fariisteen.

4/11/2018 12:06 AM EST
Arbaco, April, 11, 2018 (HOL)-Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo la xiriira qabsoomida kulankii maanta loo balansanaa ee Golaha Shacabka, kaddib fariimmo iska soo horjeeda oo xalay loo kala diray xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.