4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2018
Japan oo dalal ay Soomaaliya ka mid tahay ugu deeqday $5.2m

 

Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) – Soomaaliya iyo todoba dal kale ayaa la filayaa in ay ka faa’iideystaan ​​$ 5.2 milyan oo doolar oo ka imanaysa dowladda Japan si ay u taageeraan mashaariicda ay fulinayso Hay’adda QM ee Horumarinta Warshadaha (UNIDO).

Dalalka loogu tala galay in ay ka faaidaystaan Lacagtaan ayaa kala ah Itoobiya, Ciraaq, Jordan, Lubnaan, Liberia, Soomaaliya Suuriya iyo Nigeria

Dowladda Japaan waxa ay sheegtay in mashruucan uu sare u qaadi doono Hanaanka dhaqaalle Bulshooyinka kunool dalalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Japaan ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale ee Afrika Japan ay siin doono Mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo Warshaddaha yaryarka ah.

Sida laga soo xigtay hay’adda UNIDO, iyada oo gacan ka geysanaysa awoodda iskaa wax u qabso ee dib-u-dhiska hab-nololeedyada bulshooyinka, iyada oo diiradda la saarayo shakhsiyaadka Lacagtaan Waxa ay Sare u qaadi doonta Bulshooyinka Afrika.

Mashruucaan waxaa ka faa’iideysan doona si gaar ah haweenka, dhalinyarada, qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay, kuwaas oo qaba dhibaatooyinka sinnaan la’aanta sidda ay sheegtay hay’adda UNIDO.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]