4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 11, 2018
Jubbaland oo shaacisay tirada dadka la nool xannuunka HIV AIDS ee ku dhaqan Kismaayo

 

Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) – Sarkaal u hadlay wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi ayaa faah faahin ka bixiyay dadka la nool xanuunka HIV AIDS-ka ku sugan  Magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Jubbaland, ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale ay jiraan dad kale oo xanuukaan la nool, kuwaasi oo ku sugan deganada Jubbaland, sida gobolka Gedo, Gobolka Jubbada dhexe iyo Gobolka Jubbada hoose.

Wuxuu sheegay tirada inay badan yihiin, balse dadka hadda u diiwaangashan wasaaradda caafimaadka Jubbaland ay tahay 45 ruux oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Dadka ku nool gobolada Jubbooyinka ayaa wuxuu ugu baaqay in ay hubiyaan xaaladooda caafimaad oo ay tagaan goobaha baaritaanada ah ee dhaqaatiirta ay ku sugan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]