4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2018
Kenya oo digniin ka soo saartay weerar uga yimaada Al-shabaab

 

Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) - Hay’adda nabad-galyada dalka Kenya digay wararro argagixiso oo ay geystaan dalkeeda Al-shabaab, gaar ahaan magaalooyinka dhaca gobolka waqooyi Bari.

Kenya waxaa ay sheegtay in bilooyinkii la soo dhaafay ay ka hortaggeen weerarro dhowr ah kaddib markii ay xog badan soo gudbiyen hay’addaha ammaanka.

Dowladda ayaa sheegtay in ay jirto cabsi ku aadan weerarro ka dhaca magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya iyo sidoo kale magaalada Mandera oo xuduud la leh magaalada Beled-Xaawo ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegaya in ay heegan gelisay ciidamadeeda ku sugan magaalo xeebeedyada dalkaas.

Sarkaal Sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro ka yimaada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dalka Kenya weerarro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011kii mar ka soo ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]