4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 11, 2018
Roobab ka da’ay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) - Roobab xoog leh oo Saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo wadooyinka waaweyn iyo kuwa xaafaddaha ay biyo fariisteen.

Sidoo kale roobabkan xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa saamey ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, kuwaa soo aan heysanin wax-yaabo ay ka gallaan dhibicda roobka.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray kulul daran oo saameeyay bulshadda ku nool magaalada.

Roobka  ka da’ay Muqdisho waxaa ay bilaawdeen saqdii dhexe ee xalay,waxaana ay dadka reer Muqdisho saakay ku soo tooseen jawi qabow, walow dhinaca kale marka la eego dadka danyarta ah ee ku jira xeryaha Barakacayaasha u nugul yihiin robabkan curtay ee hadda uun bilowga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]