Khilaaf ka dhashay qabsoomida kulan maanta la filayay in ay yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka
Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) -Waxaa
soo baxaya warar is khilaafsan oo la xiriira qabsoomida kulankii maanta loo
balansanaa ee Golaha Shacabka, kaddib fariimmo iska soo horjeeda oo xalay loo
kala diray xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka oo maanta ayuu qorshuhu
ahaa in uu hortago guddoomayaha xilka ka degay Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo
shir jaraa’id oo wada jir ay u qabteen maalintii shalay isaga iyo madaxweynaha
ka hor sheegay in maanta uu Arbaco ah si rasmi ah is casilaadiisa uga hor
dhawaaqi doono xildhibaannada Golaha Shacabka khudbadna u jeedin doono.
Laakiin guddoomiye ku-xigeenka
koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibaraahim Muudeey oo xalay fariimmo u kala diray
xildhibaannada ayaa u sheegay in uusan jirin wax kulan oo ay yeelanayaan maanta oo Arbaco ah, halka sidoo kale ay jirtay fariin kale oo
ay xildhibaannadu helaan oo lagu wargalinayo in ay ka soo qeybgallaan kulanka
maanta.
Fariimahan iska hor imanaya ee
xildhibaannada loo kala diray ayaa shaki badan laga muujiyaan, waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in
xildhibaannadii markii horeba mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari ka biyo-diidan yihiin in
ay dhageystaan khudbada Jawaari, iyaga oo ku doodaya mar haddii uu is
casilay in wixii hadda ka danbeeya yahay xildhibaan ka tirsan Golaha sidaa
daraadeed aysan jirin sabab uu khudbad ugu jeediyo xildhibaannada.
Prof Jawaari ayaa shirkiisii
jaraa’id ee shalay ka sheegay in is casilaadiisa si rasmi ah uu ugu dhawaaqi
doono marka uu maanta hortago fadhiga Golaha Shacabka, taasoo macnaheedu noqonayo in uu wali sii yahay
guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa uu khudbadiisa sagootinta ah ka hor jeedinayo
kulanka xildhibaannada.
Wararkii ugu danbeeyay oo Hiiraan
Online heshay ayaa sheegaya in uu gabi ahaanba uu baaqday kulankii maanta oo
Arbaco ah ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]