Imaaraadka oo ka hadlay lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war
saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amniga ee Soomaalidu
ay qoryo ku qabteen dadkii la socday diyaaradii dhawaan lacagta lagu qabtay, islamarkaana kala wareegeen
$9 milyan iyo 600 kun oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabadaasi mid
sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka. Imaaraadka ayaa sheegay
inay arrintaasi jebinaysay is-afgarad ay horey u gaareen Soomaaliya iyo
Imaaraadka sannadkii 2014-ka.
Imaaraadka ayaa sheegay in falkaasi aad u
cambaareynayaan, iyaga oo intaa ku daray in Saraakiisha ammaanka ay si xun ula
dhaqmeen rakaabkii diyaaradda saarnaa, waxay kaloo tilmaameen in ciidamada
ammaanka ay qaateen lacag caddaan ah oo ay qayb ka ahayd lacagaha loo
qoondeeyey in ay Soomaaliya ku caawiso.
Balse dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda difaacday tallaabada ay qaadday, waxayna sheegtay in safiirka imaaraadka ee Muqdishu uu diiday in boorsooyinkaas
la mariyo qalabka baadhitaanka iyaga oo aan la furin.
Sarkaal u hadlay Soomaaliya waxa uu sheegay in
boorsooyin aan ahayn kuwo diplomaasiyeed in loo adeegsado ujeedooyin
diblomaasiyadeed waxay laalaysaa xasaanaddii ay cahdiga Vienna ee xiriirka
diplomaasiyadeed.
Waxaa kale oo uu sarkaalkaasi sheegay in is-afgaradka ay
gaadheen Soomaaliya iyo imaaraadka uu waaqtigiisii dhammaaday sannadkii
2016-ka.
Waxaa jira waddamo xiriir la leh Dowladda
Federaalka oo taakuleeya laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale
waxaa dowladda loo soo marsiiyaa habraac
waa faqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta
lacagaha sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]