4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 10, 2018
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay ganacsadihii lagu dilay magaaladda Laascaanood

 

Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay dilkii ka dhacay Laascaanood ee ganacsadaha lagu dilay, waxaanu sheegay in hawlgal lagu baadi goobayo ay ku jiraan gacan ku dhiiglaha,isla markaaana xubno lagu tuhunsan yahay dilkaasna ay gacanta ku hayaan.

Wasiirku waxa uu reer Sool usoo jeediyey inay nabadda ilaaliyaan,isla markaana dhacdadan aanu lagu xidhiidhin dhacdooyin kale oo hore u jiray.

“ Waxaa magaalada Laas-caanood ka dhacay dhacdo xanuun badan oo lagu dilay marxuum Maxamed Cabdi Shide, wuxuu ka mid aha ganacsata gobolka Sool, waana ka tacsiyedaynayaa, hawlgal adag bay dawladu kaga jirtaa, dadka gobolka reer Sool ay kaga jiraan, odayaasha iyo waayeelka iyo masuuliyiinta gobolka ka soo jeedda hawl adag bay kaga jiraan”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaanu leenahay waa dhacdo inagu wada dhacday qadar alla sababay, waxaanu doonayna in ayna nabadgalyadu inaga ruxmin”.

Dhinaca kale, wasiirka khayraadka Biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in waxyaalaha ay kala tirsanayaan deegaanada uu ka soo jeeda uu doonayo inu dhameeyo oo uu xaliyo, taas oo uu xusay inay in badan soo jiidantay.

Koore ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wasiirka Arrimaha Guduhuba ay hawshaasi garab ku siinayaan,isla markaana si fiican loo xalin doono.

Dilalka inta badan ka dhaca gobolada Barriga ayaa lala xidhiidha xurgufooyinka beelaha dhex maro, taas oo keenta in kolba qof aan danbi lahayn loogu aaro qof kale, taasina waxay sii kala fogaysa wada noolaanshiyihii beelaha walaalaha ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.