Dowladda Soomaaliya oo magacaawday guddi Iskaashi iyo wada shaqeyn la sameeya hay’adda UNka
Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday
dhismaha dhismaha guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, kaasi oo u idman
la shaqeynta iyo inuu iskaashi toos ah la sameeyo guddi kale oo Qaramada
Midoobey oo dib laga faafin doono si loo horumariyo istiraatiijiyadaha suuragalka ay tahay inay u gogol xaarto raadraacidda
fulinta qorshayaasha horumar ee lagu xoojinayo maqaamka Soomaaliya iyo waxa
shacabkeedu hantiyay.
Kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo u dhaxeeyay qaar ka
mid ah Wasaaradaha Xukuumadda iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa looga hadlay
arrimo dhowr ah oo ka mid ah iskaashi iyo wadashaqeyn toos oo dhex marta labada
dhinac.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay leedahay barnaamijyo horumarineed
oo muujinaya muuqaalka dhaqaale, siyaasad iyo bulsho oo ka qeyb ah
istiraatiijiyad ee hirgeliya hab dhamaystiran oo wax ku ool ah ee koritaanka
joogtada ah, taas oo wadada u xaareysa, xoojinaysana xiriirka Soomaaliya kala
dhexeeya dalalka kala duwan ee adduunka.
Guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay ayaa waxa uu ka kooban yahay
sidatan:
1- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (Martigeliye)
2- Wasaaradda Maaliyadda
3- Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha
4- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
5- Wasaaradda Amniga Gudaha
6- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
7- Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka
8- Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – Wasiiru dowle
9- Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha – Heer Agaasime Guud
10- Maamulka Gobolka Banaadir – Duqa Magaalada/ heer kuxigeen
11- Xafiiska Madaxweynaha – heer lataliye
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]