3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 10, 2018
Wararkii ugu danbeeyay dagaal maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray gobolka Hiiraan

 

Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ugu yaraan 7 ruux ayaa lagu dilay tiro ka badan 10 ruuxna dhaacwayo kala duwan ayaa ka soo gaaray dagaal culus oo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaan hoostaga degmada Maxaas.

Inta badan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa lagu sheegay in ay ka kala tirsanaayeen maleeshiyaadkii iska horimaadku dhaxmaray iyadoo xiisadana ay ka bilaabantay dil aano qabiil oo saaka degaanka ka dhacay.

Dagaallada degaanka ayaa la sheegay inay dib usoo laba-kacleeyaan xilliyada abaaraha iyo marka uu roob ka curto qeyb deegaanka ka mid ah oo dadka reer miyaga xoolahooda ula guuraan.

Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobal Hiiraan ayaa ku baaqay xabbad joojin iyo in laga wada hadlo wax yaabaha xiisaddan abuuray.

Dagaalladan oo u muuqda kuwo deegaanka ku soo noqnoqday ayaa ilaa iyo hadda laga gaarin xal kama danbeys ah iyo isgarad meesha looga saarayo in dagaalku mar kale soo noqdo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/10/2018 1:42 PM EST
Talaado, April, 10, 2018 (HOL)–Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amniga ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii la socday diyaaradii dhawaan lacagta lagu qabtay, isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka. Imaaraadka ayaa sheegay inay arrintaasi jebinaysay is-afgarad ay horey u gaareen Soomaaliya iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka.

4/10/2018 1:22 PM EST
Talaado, April, 10, 2018 (HOL)–Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay dilkii ka dhacay Laascaanood ee ganacsadaha lagu dilay, waxaanu sheegay in hawlgal lagu baadi goobayo ay ku jiraan gacan ku dhiiglaha,isla markaaana xubno lagu tuhunsan yahay dilkaasna ay gacanta ku hayaan.

4/10/2018 8:11 AM EST
Talaado, April, 10, 2018 (HOL) –Cabsi weyn ayaa soo food saartay darawalada kaxeeya gadiidka Bajaajka ee ka shaqeysta gudaha magaalada Muqdisho kaddib markii ay soo ifbaxeen maalmihii ugu danbeeyay haween sita cirbado ay ku jiraan dhacaan aan la gareynin wax uu yahay iyadoo maanta inta laga warqabo darawalkii Afaraad haweeney ku dhufatay cirbad in ay ku sidey Virus.

4/10/2018 7:20 AM EST
Talaado, April, 10, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha xilka ka degay Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay shir jaraa’id ka soo wada muuqday tan iyo wixii ka danbeeyay khilaafkii siyaasadeed ee hareeyay hay’addaha dowladda.

4/10/2018 5:08 AM EST
Talaado, April, 10, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka soconaya qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir gaar ahaan dhulka safaaradii hore eeMareykanka oo ka tirsan degmada Wadajir.

4/10/2018 3:48 AM EST
Talaado, April, 10, 2018 (HOL)–Dagaal culus ayaa xilligan ka soconaya dhulkii safaaradii hore ee Mareykanka oo tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii dowladda dhexe ay deegaansadeen qoysas Soomaaliyeed.

4/10/2018 3:19 AM EST
Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dhismaha dhismaha guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, kaasi oo u idman la shaqeynta iyo inuu iskaashi toos ah la sameeyo guddi kale oo Qaramada Midoobey oo dib laga faafin doono si loo horumariyo istiraatiijiyadaha suuragalka ay tahay inay u gogol xaarto raadraacidda fulinta qorshayaasha horumar ee lagu xoojinayo maqaamka Soomaaliya iyo waxa shacabkeedu hantiyay.

4/10/2018 12:30 AM EST
Talaado, April, 10, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballanqaaday "in uu awood" adeegsan doono marka uu jawaabta ka bixinayo weerarka kiimikada ah ee la sheegay in in uu ka dhacay dalka Suuriya, iyada oo reer galbeedku ay ka baaraan dagayaan jawaabta ay ka bixin lahaayeen arrintaas.

4/10/2018 12:19 AM EST
Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Laga soo bilaabo tan iyo markii saacadihii hore Isniintii shalay Prof Maxamed Cismaan Jawaari uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii afhayeenka Golaha Shacabka, waxaa meesha ka baxday xiisadii siyaasadeed ee ku dhawaad bil ka dhax Aloosneyd Golaha Shacabka iyo shirarkii jaraa’id ee looga bartay xildhibaannada iska soo horjeeda kuwaa oo qaarkood saq dhexe warbaahinta la hadli jiray.