4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 10, 2018
Waaa maxay tallaabada xigta ee uu Baarlamaanku qaadayo kaddib is casilaadii Jawaari

 

Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Laga soo bilaabo tan iyo markii saacadihii hore Isniintii shalay Prof Maxamed Cismaan Jawaari uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii afhayeenka Golaha Shacabka, waxaa meesha ka baxday xiisadii siyaasadeed ee ku dhawaad bil ka dhax Aloosneyd Golaha Shacabka iyo shirarkii jaraa’id ee looga bartay xildhibaannada iska soo horjeeda kuwaa oo qaarkood saq dhexe warbaahinta la hadli jiray.

Jawaari ayaa si rasmi ah Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ugu xaqiijiyay in uu iska casilay xilkii guddoomiyaha Golaha Shacabka, isaga oo is casilaadiisa ku mincneeyay in uu u tanaasulay ka badbaadinta bur bur ku dhaca Golaha Shacabka.

Waxaa uu intaa ku daray in maalinta Arbacada ah uu khudbadiisii ugu danbeysay ka jeedin doono sida uu hadalka u dhigay fadhiga Golaha Shacabka taasoo u muuqata mid sagootin iyo is cafin ah.

Hadaba mar haddii uu xilka baneeyay guddoomiye Jawaari waa maxay tallaabada xigtay oo ay tahay in uu qaado Golaha Baarlamaanka?

Sida uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha Shacabka, waxaa looga fadhiyaa Baarlamaanka  in uu muddo ku dhan 15 cisho uu ku soo doorto guddoomiye cusub oo ka dhax imanaya xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw guddoonka sare ee Golaha Shacabka ayaa Hiiraan Online u sheegay in kulanka Arbacada ah la filayo in lagu magacaabo guddi doorasho oo ka shaqeyn doono diyaarinta hanaanka iyo jadwalka doorashada Afhayeenka Baarlamaanka.

Durbaba waxaa jira shaqsiyaad soo bandhigay hankooda la xiriira qabashada xilkan, waxeyna u badan tahay in kursiga ay ku loolamaan oo kaliya xildhibaannada ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed marka la eego habka awood qeybsiga dowladdau ku dhisan tahay ee 4.5.

Laakiin waa ay dhici kartaa in xildhibaanno deegaano kale ka soo jeeda iyaguna isku taagan qabashada hogaanka Baarlamaanka, madaama uusan jirin sharci u xadidaya beel kaliya in ay u tartano.

Inkastoo dagaalkii mooshinka uu dhamaaday haddana waxaa hubaal in uu bilaaban doono Olole kale oo musharixiintu ku kala jiidan doonaan xildhibaannada si  mid walba oo ka mid ah uu u helo codad ku filan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]