4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 1 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobey iyo midowga Africa

 

Axad, April, 01, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si wadajir ah u qaabilay Guddiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa u qaabilsan dhaqaale u raadinta ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay masuuliyantan ahmiyadda ay leedahay in lasii dardargeliyo wadashaqeynta AMISOM iyo ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed, dadaallada lagu xaqiijinayo sidii kooxaha nabad diidka ah looga sifeyn lahaa dalka iyo in ciidamada Soomaaliyeed loo diyaariyo qaabkii ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga guud ee dalka.

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa bogaadiyey qorshaha uu Madaxweynaha hormuudka ka yahay ee lagu tayeynayo ciidamada xoogga dalka, iyagoona muujiyeey sida beesha caalamka uga go’antahay garab istaaga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wakiillada ayaa isla soo qaaday in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqaale u raadinta ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo dhawrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ku shaqeynayay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ahmiyad sare siinaya dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.

Wafdigan waxaa hoggaaminayey Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo madax u ah guddiga dhaqaale u raadinta ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa danjireyaasha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya Michael Keating iyo Francisco Madeira.

Dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa kulanka ku wehlinayay madaxweyna La-taliyaha Amniga Qaranka Cabdi Saciid Muuse.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]