4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 1 , 2018
Ciidamada AMISOM oo isaga baxay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Axad, April, 01, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan ciidanka Burundi ay isaga baxeen deegaanka Cali Fool-dheere oo saldhig ku lahaayeen.

Ciidamada AMISOM ayaa gebi ahaanba soo faarujiyay deegaanka Cali Fooldheere oo qiyaastii illaa 20KM u jirta Mahadaay.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Mahadaay ayaa soo sheegaya in ay ciidamada ay ka soo ruuqaansadeen Cali Fooldheere, kuna soo wajahan yihiin Mahadaay, iyadoo la maqlayay madaafiic lagu ridayay dhanka howdka oo ahaa mid ciidamada jidka loogu furayay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Kolonyo sahay u siday inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Cali Fooldheere.

Ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee deegaanka Cali Fooldheere ayaa lagu tilmaamay mid dib u gurasho ah, iyagoo ka cabsi qaba inay ku go’doomaan deegaankaas, maadaama ay curteen roobabkii guga, isla markaana laga yaabo in jidadka ay ku xirmaan.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Cali Fooldheere, waxaana la soo sheegayaa in xaalada deegaanka ay tahay mid degan, Shabaabkana ay ku sugan yihiin saldhiggii ay baneeyeen Ciidamada AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]