4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 1 , 2018
Galmudug oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-shabaab

 

Axad, April, 01, 2018 (HOL) – Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalyananada Al-Shabaab ee ku sugan degmooyin ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaanshi Carabey ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay qaadi doonaan dagaal, islamarkaana ay isku diyaariyaan sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen degaano ay gacanta ku hayaan.

Dagaalka ayuu sheegay in uu ka bilaaban doono degmooyinka Ceelbuur iyo Xarar-dheere oo Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Waxaa kaloo ugu danbeyntii uu xusay in dhammaan degaanada Galmudug ay ka bilaaban doonaan howlgalladaasi, isagoona sheegay in ciidamada Galmudug ay gali doonaan dagaal dheer.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]