4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 1 , 2018
Maamulka Mandera oo sheegay in dib u bilaabayaan dhismaha Darbiga

 

Axad, April, 01, 2018 (HOL) -Saraakiisha gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay dib u bilaabi doonaan derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Fredrick Shisia guddoomiyaha degmada Mandera ayaa sheegay in dhismaha uu dib u bilaabi doono Abriil, waxaana uu sheegay mashruucaan ay fulin doonaan ciidamo iyo shaqaalle is wata.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Kenya ay derbiga ka dhisan doonto xadka ay leedahay, islamarkaana aysan ku xadgudbi doonin dhulka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay faahfaahinayso Warar dacaayad ah oo ku aadan in Kenya ay doonayso  dhacdo dhulka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Derbiga hadda la joojiyay ka dib markii labada dowladooda ay wada hadleen laakiin dib loo bilaabi doono Bartamaha Bishaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]