3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 1 , 2018
Guddoomiye Jawaari oo beeniyay in uu is casilayo

 

Axad, April, 01, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa beeniyay in uu doonaayo in uu iscasilo, xilli saacaddihii lasoo dhaafay ay soo baxaayeen wararkaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska gudoomiye Jawaari oo uu ku saxiixnaa Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas been abuurka ah oo saacadihii la soo dhaafay hareeyay baraha bulshada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
4/1/2018 1:15 PM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si wadajir ah u qaabilay Guddiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa u qaabilsan dhaqaale u raadinta ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

4/1/2018 9:43 AM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)–Al-shabaab ayaa sheegtay in maanta weerarro culus oo ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen dileen 59 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

4/1/2018 9:07 AM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)- Xaalad adag ayaa laga sheegayaa barriga Gobolka Sool oo la sheegay in aanay mudo shan sano gaadhaysa roob hagaagsan.

4/1/2018 8:36 AM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)–Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay 24 masuul oo iskugu jiray kuwo cusub iyo kuwii hore usii joogay oo uu dib u magacaabay.

4/1/2018 7:46 AM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)–Gudoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in ciidamo iyo Tikniko ay ku jiraan Kaarayaal ay Soomaaliya soo dhoobtay xadka Somaliland, waxaanu golaha ku wargaliyey inay taageeraan hadalka madaxweyne Muuse Biixi ee ka dhanka ah Soomaaliya.

4/1/2018 7:06 AM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)–Wararka xiligan naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar culus oo ku bilaawday Qarax Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Buula-Mareer.

4/1/2018 5:45 AM EST
Axad, April,01, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan ciidanka Burundi ay isaga baxeen deegaanka Cali Fooldheere oo saldhig ku lahaayeen.

4/1/2018 4:09 AM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)-Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalyananada Al-Shabaab ee ku sugan degmooyin ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

4/1/2018 2:42 AM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)–Ciidamada amniga ee dowlada Federalka Soomaaliya ayaa xalay Howlgalo Baaritaanno ah oo lagu xaqiininayo amaanka ka sameeyeen labo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

4/1/2018 2:27 AM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir Banaadir guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmada.

4/1/2018 2:14 AM EST
Ciyaarahii Xagaaga ee ka socday Magaaladda Columbus ee gobolka Ohio ayaa soo gaaray gabagabadii ,waxaa shalay wada ciyaaray kulamadii Semi Finelka ahaa 4 Kooxood oo kala ahaa Midnimo oo Minnesota ka timi iyo Washington DC , Halgan oo Minnesota ahna waxay la ciyaartay kooxda Washington Seattle .

4/1/2018 2:03 AM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)–Xildhibaannada ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay ciidamadii horey u joogay dhismaha Baarlamaanka ee Muqdisho ayaa dib loogu celiyay mas’uuliyadda amniga baarlamaanka maanta.

4/1/2018 1:51 AM EST
Axad, April, 01, 2018 (HOL)-Saraakiisha gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay dib u bilaabi doonaan derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.