4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 6 , 2017
Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Shaqaalle Ajnabi ah iyo doontii ay Saarnaayeen

Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Ciidamada bada maamulka Puntland ayaa degmadda Eyl ee Gobolka Nugaal, sheegay in ay ku qabteen shaqaalle Ajnabi ah iyo doontii ay wateen.

Shaqallaha la socday doonta, waxaa ay u dhasheen dalka Yemen, waxaana lagu eedeyay in ay ahaayeen Kalluumeysato si sharci dara ah ku joogay Soomaaliya.

Warar kale, oo aan heleyno ayaa sheegaya Doonta in habeen hore ay dulmartay Laash ay la haayeen Ganacsato Soomaaliyeed , islamarkaana ay dhibaato gaarsiisay.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa sare u kacay Kalluumeysiga sharci darada ah ee xeebaha Soomaaliya, sida Saraakiishii ciidamada Bada ee Soomaalida ay sheegeen.

Xeebaha Soomaaliya, waxaa ku sugan Maraakiib iyo Doomo, ay leeyihiin shirkaddo Ajnabi ah oo ka kalluumeysta biyaha kheyraadka badan ee Soomaaliya. 

Tan iyo Bur-burkii Soomaaliya, ayaa waxaa si caadi ah ku socday boobka lagu hayo biyaha Soomaalidda. 

Hassan Istiila
[email protected]